Soomaali

Hordhac
Hay’adda Waano waa hay’adda intarnashnaal ah oo lagaleeyahay dalka Mareeykanka furuuc kalana kuleh East Africa. Waa hay’ad kheeyraadi ah oo caawisa dadka dhibaatooyinku kuhaystaan East Africa sida macaluusha, caafimaad darada, biyo la’aanta, iyo waxiilamid ah. Hay’adda Waano waxay kacaawisaa dadka tabaaleeysan qodista ceelasha biyaha, hormarinta beeraha, xarumaha caafimaad ka iyo waxbarashada.

Hay’adda Waano waxay tababaro khaas ah u fidisaa beeraleyda, macalimiinta iskuulaad ka, iyo takhaatiirta xarumaha caafimaadka si’ay aqootoodu ugaarto isku filaansho dhameystiran. Hay’adda Waano waxaay kashaqeysaa in ay u gargaarto dadka ay ku habsatey abaaraha, cudurada iyo barakaca.

Hadafka.
Hadafka hayada Waano waxaa weeye in ay caawiso dadka ladaalaa dhacaaya dhibaatooyinka sida macaluusha, caafimaad darada, biyo la’aanta, iyo waxiilamid ah. Hay’adda Waano waxay kacaawisaa dadka dhibanayaasha ah qodista ceelasha biyaha, horumarinta beeraha, xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka. Hay’adda Waano waxay tababaro khaas ah siisaa haweenka iyo dhalinyaradda si’ay uhelaan khibrad ay kuhormariyaan naftooda, ehelkooda iyo tabulsha dooda.

Ujeedada
Ujeedada Hay,adda Waano waxaa kamid ah ka shaqeyta horumarka waxbarashada, beeraha, caafimaadka, ciribtirka jahliga, xanaana agoonta, daryeelka naafaha, caawinta dadka tabaaleysan, iyo qodista caalesha biyaha ooku ah mushkilo joogta ah bulshada iyo xoolaha.

Adeegyada bulshada
Hay’adda Waano waxay bixisaa tababaro xirfadeed oo lagu caawinayo dadka tabaalaysan si loo dhiiragaliyo in ay inkood wax uqabsadaan sida hormarita beerahooda, barashada akhriska, qoraalka, xirfadaha gacanta, wanaaga wadaninimada, wadajirka dhexdooda ah, wadashaqaynta, hormarinta nabadda, iyo kahortaga dhamaan waxyaalaha keenaya ama keeni kara wax dhibaato ku ah nolosha iyo horumarka bulshada.

Caafimaadka
Hay’adda Waano waxay kacaawisaa bulshada qaybaheeda kala duwan ee kunool East Africa sidii ay u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo bilaash ah, biyo nadiif ah, cuno wanaagsan, wacyi galinta bulshada oo kusaabsan kahortaga cudurada faafa, iyo iskaashiga dhaxdooda ah si’ay uhormariyaan danta guud ay wadaagaan.

Gargaarka aadmiga
Hay’adda Waano waxay siisaa bulshada kunool East Africa caawinaad kaladuwan oo isugujirta cunto, dhar, qalab caafimaad, iyo qalab waxbarasho. Sidookale waxay caawisaa dadka ay kudhacday dhibaatooyinka sida fatahaadaha biyaha, macaluusha, iyo cudurada faafa. Hay’adda Waano waxay ka shaqaysaa ciribtirka gaajada, aqoon la’aanta, iyo caafimaad darada.

Waxbarashada
Hay’adda Waano waxay aaminsantahay waxbarashadu in ay tahay furaha nolosha nabada iyo jiritaanka bulshada waana qodob muhiim ah oo kuxiran hormarka bulshada iyo mustaqbal wanaagsan. Sidaas darteed Hay’adu waxay xooga saartaa siduu ilmo kaste u helilahaa fursad waxbarasho oo usahasha horumarka mustaqbelkiisa. Waxaan ufidinaa dadka danyarta ah tababar xirfadeed, talobixin, iyo taageero badan.

Shaqada aanqabano
Hay,adda Waano ayaa ah mid shaqadeedu gabi ahaanba kamadax banaan siyaasad, waxqabad keeduna waa adeega bulshada, hormarinta waxbarashada, caawinta dadka tabaaleysan, ciribtirka saboolnimada, dhiiro gelinta wadashaqeynta, iyo ka hortaga cudurada faafa.
Meelaha aan kashaqeyno
• Wajiga-I:
– Baadiyaha iyo Magaalada
• Wajiga-II:
– Degmooyinka iyo Gobolada
• Wajiga-III:
– Wadanka oo dhan.

Yaan lashaqaynaa
Hay,adda Waano waxay lashaqeysaa bulshooyinka tabaalaysan waxeyna u fidisaa fursado waxbarasho oo lagu horumarinayo aqoontooda si,ay isugu filaadaan. Sidoo kale Hay’addu waxay lashaqeysaa hay’addaha khayraadiga ah oo kashaqeeya gargaarka aadamaha iyo caawinta bulshooyinka tabaaleysan.

Anshaxa wanaaga
Hay’aada Waano waa hay,ad caalami ah oo kucaan baxday kudhaqanka lixda qodob ee hooskuqoran:
1) Xilkasnimo
2) Aaminaad
3) Tixgalinta dhibanaha
4) Adeega bulshada
5) Wadashaqeyn
6) Daacadnimo
7) Xisaab wanaag